SACUUDIGA OO MARTIGELIYEY WADA HADALKA…
MAGAALADDA KHARTUUM OO GUBANAYSA.
(SAUDI ARABIA)-Jineraaladda isaga soo horjeedo dagaalka dalka Suudaan(Gen.Burhan/Gen.Xumaydeyt) wakiilo ka kala socday ayaa gaaray dalka Sacuudiga si ey u yeeshaan wada hadal toos ah ka dib markii uu dhacay dagaal u dhexeeyo labad Jineraal,dagaalka Suudaan ayaa hadda galay todobaadkiisii seddexaad,gobolka Daarfuur ee dhaca Koonfur-galbeed ee dalka Suudaan ayaa ugu yaraan lagu dilay dad gaaraayo boqolaal waxaane lagu dhaawacay intaas in ka badan oo dad ah. Wakiiladda kala metelaayo labada jineraal ayaa gaaray magaalo xeebeedka Jiddah ee dalka Sacuudiga maanta oo Sabti ah(6/5/23)-ka si ey halkaasi uga sii bilabaan wada hadalo hordhac ah kuwaaso ujeedkoodu yahay sidii loo dhisi lahaay xabad joojin adag taaso hayadaha samafalka u ogolaaneyso iney gargaar gaarsiiyaan dadka shacabka ah ey waxyeelado ka soo gaartay dagaalka socday in ka badan seddex todobaad.
ISHA WARKA GUARDIAN.