SACUUDIGA OO MARTIGELINAAYO SHIR GAAR AH.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA RIYAD.
(RIYAD)-Ilo Xog-Ogaal ah kana tirsan dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegay,casuumadda uu fidiyey ninka leh dhaxaltooyadda Sacuudiga isla markaasne ah Reysal Wasaaraha dalka Sacuudiga Md.Maxamed Bin Salmaan hogaamiyeyaasha dalalka Masar,Urdun iyo Madaxda lixda dawladooda ee Khaliijka iney berri isugu yimaadaan dalka Sacuudiga,kulanka ayaa la sheegay inuusan ahayn mid rasmi ah ey isugu imaanayaan Hogaamiyeyaasha Carabta. Kulanka berri ayaa ku soo beegmaya iyadoo kulamo gaar gaar ah oo Saaxibtinimo oo sannado badan socday ey yeelanayaan Madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka Boqortooyadda Urdun iyo dawladda Masar iyadoo laga duulaayo qaabka xiriirka walaaltinimo ee dhaw ee Madaxda isu keenaya,sida laga soo xigtay ilo masuul ah oo Sacuudi ka tirsan iyadoo kulamadan oo kale kor loogu qaadayo Iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeyso dalalka ka wada tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka,Urdun iyo Masar. Ilahan ayaa lagu macneeyey in marka loo eego talaabadan wadajirka ah ee dalalka Carbeed iyo go’aanada la xiriira ey noqon doonto Ajandaha shirka deg dega ah ee Wadamadda Carbeed ee dhawaan lagu qabanaayo Jamhuriyadda Carabta ee Masar.
ISHA-AA.