SACUUDIGA OO LIBNAAN KALA BAXAAYO DADKIISA,SABABTA?
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA DALKA LIBNAAN.
(SAUDI ARABIA)-Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee dalka Libnaan ayaa mawaadiniinta Sacuudiga ugu baaqday iney isaga baxan dalka libnaan sida ugu dhaqsiyaha badan iyo ineysan tegin goobaha ey ka socdaan iska horimaadyada hubaysan,waxa eyna Safaaradda Sacuudiga ka dalbatay Xukuumadda Sacuudiga in xayiraad lagu soo rogo Mawaadiniinta Sacuudiga ee u safaraayo dalka Libnaan. Sababta keentay arrintaan ayaa lagu sheegay iney tahay dagaalka ka soo cusboonaaday Xeradda Qaxootiga reer Falastiin ee Ceyn xilwa 29/7/23-ka.
ISHA/AA.