SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO KA HADLAY XAJKA-2023-KA.

XAJKA.

(RIYAD)-Tan iyo markii uu adduunka uu ka dilaacay cudurka Covid-19 waxaa la xadiday tirada muslimiinta doonaysa ineey soo xajiyaan iyo da’adooda,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka hadashay arrimaha Xajka sheegayne ineeysan jiri doonin tiro xadidan oo xujaay ah sannadka-2023-ka,sida ey maanta oo Isniin ah ey ku dhawaaqday boqortooyada Sacuudiga ka dib markii muddo seddex sano ah la xadiday tirada xujaayda soo xajinayso sabab la xiriirto cudurka Covid-19. Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Tawfiiq Al-Rabiah ayaa warbaahinta ku yiri”Xajka waxaa loo soo celin doonaa sidii uu ahaan jiray ka hor cudurka Covid-19,mana jirto wax da’ah oo la xadidaayo”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.