SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO KA CAROODAY…

MAGACA WADAD LOOGU MAGAC DARAY JAMAL KHASHOGGI.

(LOS ANGELS)-Golaha degaanka ee magaaladda Los Angels ee gobolka California ee dalkaasi Maraykanka ayaa u codeeyey in magac laga bedelo loona bixiyo magac kale wado marta banaanka Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaladda Los Angels,magaca cusub ee goluhu u codeeyey ayaa ah “JAmaal Khashoggi Way”. Codaynta ayaa waxa ey dhacday Khamiis 25/3/23,waxaane arrintaan loo sameeyey si loogu sharfo saxafigii la dilay ee Jamal Khashoogi,Jamal waxa uu ahaay saxafi dhaliila dalka Sacuudiga maqaalana ku qora Wargayska caanka ah ee Washington Post ee dalka Maraykanka iyo Wargayska isagan ka soo baxa London ee dalka Ingiriiska ee Middle East Eye. Saxafi Jamaal ayaa waxaa dilay dad u shaqeynaayey dawladda Sacuudiga Taariikhdu markey ahayd 2/10/2018-kii ka dib markii uu Jamal galay Safaaradda Sacuudigu ku leeyahay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.