SACUUDIGA OO DHAQAALE UGU DEEQAY LA DAGAALANKA…
(SAWIRKA)-SHIRKII WASIIRADDA DIFAAC.
(RIYAD-KSA)-Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku tabaruci doono dhaqaale dhan $26.6-Milyan oo doolarka Maraykanka ah si ey u taageerto Hindiseyaasha lagu maalgelinaayo Sanduuqa Isbahaysiga La dagaalanka Argagixisada Islaamka(IMCYC),sidaas waxaa shalay oo Sabti ahayd ku dhawaaqay Wasiirka difaac dalka Boqortooyada Sacuudiga Amiir Khaalid Bin Salmaan. Amiir Khaalid oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Golaha Wasiiradda Difaaca ee Isbahaysiga ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Sacuudiga ey taageeri doonto 46-barnaamij oo tababaro ah oo qeyb ka ah afarta qeybood ee Isbahaysiga oo ey ku jiraan Warbaahinta,Mileteriga iyo Goobaha maalgelinta Argagixisada. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay khudbadii uu Wasiirka ka jeediyey shirkii labaad ee Golaha Wasiiradda Difaaca ee wadamadda xubnaha ka ah IMCTC ee ka dhacay magaaladda Riyaad halku dhegiisuna ahaay”La dagaalanka Argagixisada: Waa masuuliyad la wadaago”.
ISHA/BARIGA DHEXE.