SACUUDIGA OO DEEQ DAAWEYN AH U FIDIYEY…
(SAWIRKA)-CARUURTA ISKU DHEGAN XASAN IYO XUSEEN.
(RIYAD)-Garoonka diyaaradaha ee Malik Khaalid ee magaaladda Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga waxaa maant soo gaaray caruur u dhalatay dalka Tanzania iyo labadoodii waalid,caruurtaan(XASAN IYO XUSEEN) ayaa ah mataano isku dhegan markii ey dhalanaayeen waxaane deeq daaweyn u fidisay Boqortooyada Sacuudiga si halkaasi loogu kala fujiyo. Isbitaalka Takhasusiga ah ee Boqor Cabdallah ee magaaladda Riyaad ayaa caruurtaan iyo waalidiintooda u diray diyaarad gaar ah si loo keeno isbitaalka Boqor Cabdallah,mana aha markii ugu horeysay uu isbitaalkan sameeyo hawshaan uu hadda sameynaayo waane hawl lacag la’aan ah uu bixiyo isbitaalka Boqor cabdallah.
ISHA/ALSHARQ.