SACUUDIGA OO DAFIRAY INUU LAAYEY…
(SAWIRKA)-CALANKA DALKA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegaayo in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu toogto dad tahriibayaal ah kana soo jeedo dalka Itoobiya kuwaaso doonaayo iney ka soo gudbaan xuduuda u dhexeyso wadamadda Yeman iyo Sacuudiga,wararkaas ayaa waxaa si cad u baahiyey hayadaha u dooda Xuquuqda aadanaha waxa eyna sheegeen in dadka ka soo jeedo Itoobiya lagu laayo xuduuda u dhexeyso Yeman iyo Sacuudiga,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga oo arrintaas ka jawabaayo ayaa maanta sheegay in wararkaasi yihiin kuwa been abuur ah loogana been sheegay dalka Sacuudiga.
ISHA/AW.