SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO ASKAR LOOGA DILAY YEMAN.

(SAWIRKA)-S/G.TURKI AL-MALIKI.

(RIYAD)-Sarkaal iyo Sarkaal Xigeen Sacuudi ah ayaa la dilay,waxaane la dhaawacay mid kale ka dib weerar ka dhacay xero ciidan Mileteri ah kuna taala magaaladda Seyuun ee Gobolka Xadar-Muut ee dalka Yeman,waxaa sidaas maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay afhayeen Isbahaysiga Taageeradda Sharci ee Yeman. S/Guuto Turki AL-Maaliki ayaa sheegay in weerarka uu dhacay fiidnimadii Jimcaha xilli tababar isboorti uu ka socday xeradda. Xeradda ayaa door muhiim ah ka ciyaareysay taageeradda ciidamadda Isbahaysiga,Tababarka shaqaalaha,la dagaalanka Argagixisadda iyo tahriibinta,iyo caawinta dadaaladda bani’adanimo iyo horumarinta dalka Yeman,sidaas waxaa ku soo warantay Wakaaladda Wararka ee dalka Sacuudiga,Wakaaladda ayaa hadlkeedii raacisay in dembiilaha geystay dhibka la sheegay inuu ka tirsan yahay Wasaaradda G/dhiga dalka Yeman,balse falka uu sameeyey uu yahay mid isaga u gaar ah eysan Wasaaraddu lug ku leheyn.

ISHA-AN.

HALKAN KA SI AKHRI.