SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA OO AMARO KA SOO SAARAY….

(SAWIRKA)-XARAMKA.

(SAUDI ARABIA)-Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dawah iyo Hanuuninta ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa soo saartay Amaro cusub oo ey ku Mamnuucayso in Kamaradaha Masaajidda lagu duubo Imaamka iyo dadka cibaadaysanaya xilliga Salaadda, oo ey ku jirto Salaadda Cishaha iyo Salaada Taraawiixda ee bisha Ramadaan, iyo Mamnuucidda baahinta ama baahinta Salaadaha ee Goobaha Warbaahinta, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyinkan looga Golleeyahay sidii loo ilaalin lahaa Xurmada masaajidda iyo ilaalinta Jawiga ku habboon cibaadada, si loo hubiyo in dadka cibaadeysanaya eysan mashquulin. Waxa kale oo ey ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ey leedahay in Imaamyada iyo daacidu ey u Hoggaansamaan Hab-raacyada Wasaaradda iyo in dadka cibaadaysanaya ey u Hoggaansamaan aadaabta habboon ee Masaajidda dhexdeeda. Intaa waxaa dheer, Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in aan la ogolayn in la Ururiyo Tabarucaad lacageed oo lagu abaabulo afurinta Masaajidda. Haddii cuntooyinkan oo kale la habeeyo, waa in lagu qabtaa meelo cayiman oo ay kormeerayaan Masuuliyiinta ey khusayso, iyada oo la hubinayo u Hoggaansanaanta. Warkan ayaa ku soo beegmaya waqti ey fooda inagu soo heyso Bishii Barakaysneed ee Ramadaan,waxa eyna Muslimiinta Caalamka isu diyaarinayaan. Bisha Ramadaan Muslimiinta Caalamka Qaarkood ayaa u Cibaada taga Xaramka si ey halkaasi ugu soo gutaan Waajibka Cumradda,gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu dambeysa Bisha Ramadaan. Sannadkan 1446-H ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyey shuruucda dalka Sacuudiga gaar ahaan muddada Cumrada iyo Xajka waxaane laga dhigay 90-maalmood kaliyah,haddii ey dhacdo in qofku sii joogo Sacuudiga wax ka badan 90-maalmood waxa uu muteysan doonaan Ganaax lacageed oo maalinle ah kaaso dhan shan boqol oo Riyaalka Sacuudiga ah taaso u dhiganta $133 doolarka Maraykanka ah.

ISHA-MEMO.