SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUDIGA IYO ISRAA’IIL MA YEELAN DOONAAN XIRIIR?

(SAWIRKA)-MAXAMED BIN SALMAAN.

(TEL AVIV)-Waxa aan ognahay iney jiraan wadamo Carbeed oo xiriirka diblomaasi la soo ceshaday dalka Israa’iil wadamadaan ayaa waxaa hogaaminaayo dalka Imaaraadka Carabta kana tirsan wadamadda la siku yiraahdo Khaliijka Carabta, dalka Boqortooyada Sacuudiga ahne kan ugu dhulka weyn uguna dadka badan lixda dalka ee Khaliijka ayaa la sheegayaa in Israa’iil baadi goobeyso sidii ey xiriir diblomaasi ula yeelan lahayd ayadoo u soo marayso dalka Maraykanka. Hadaba wafdi heer sara ah ey hogaaminayaan saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa qorsheynaayo iney safar ugu baxaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad todobaadkan si ey halkaasi ugula kulmaan saraakiil dhigooda ah,waxa eyna saraakiishaas si wadajir ah isula gorfeyn doonaan sideey go’aan uga gaari lahaayeen is afgarad dhexmara dalalka Sacuudiga iyo Israa’iil si ey u soo ceshadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed,sidaas waxaa Wargayska Times Of Israel u sheegay saraakiil sare oo Maraykan iyo Falastiin ah maanta oo Aaxad ah(3/9/23)-ka.

ISHA/TIMES.

HALKAN KA SI AKHRISO.