SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUUD CARABIYA OO KORDHISAY DILKA TOOGASHADA AH.

(SAWIRKA)-BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO DILALKA SACUUDIGA.

(RIYAD)-Sida aan la wada socon dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa ka jiro xukun adag oo dhammaadkiisu yahay dil toogasha ah,dadka dilka lagu xukumo gudaha Sacuudiga ayaa intooda badan ah dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada ah,dadkaan ayaa toogasho laga xukumaa haddii ey sameeyaan banaanbax laguna eedeyaa iney dileen askarta Boqortooyada Sacuudiga amaba iney yihiin kuwa u adeegaayo Argagixisada caalamiga ah,hadaba tirada dilka toogashada ah ey fulisay Xukuumadda Sacuudiga sannadkan-2023-ka ayaa kor u dhaafeyso ilaa boqolaal qofood sida laga soo xigtay hayadda u dooda Xuquuqda dadka ee loo yaqaano Amnesty International,hayadaan ayaa tabasho waxa ey ka qabtaa xukunada dilka ah ee laga isticmaalo gudaha dalka Sacuudiga,arrintaan ayaa xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah. Tirada dilalka toogashada ah ee la fuliyey sannadkii-2022-kii ayaa ka yar 196-dil,si kastaba ha ahaatee,waxaa weli laba laab ah tirada uu dalka Sacuudiga uu ogolaaday in la toogto marka loo fiiriyo tiradii sannadkii-2021-kii.

ISHA/ME.

HALKAN KA SI AKHRISO.