SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SACUDIGA OO XIRAY NINKII…

WARIYE GIL.

(RIYAD)-Booliska magaaladda Barakaysan ee Makka ayaa sheegay ineey soo xireen nin u dhashay dalka Sacuudiga kaaso lagu tuhmaayo inuu gacan siiyey nin Israel u shashay isla markaasne war dire u ah Tv-ga Channel-13 lagana leeyahay Israel,ninkaan oo la yiraahdo GIL Tamary ayaa waxa uu si qarsoodi ah u galay magaaladda Barakaysan ee Makka waqtigii Xajka isagoo soo kiraystay Taxi kana gudbay dhammaan goobihii mamnuca ka ahaay dadka aan muslimiinta ahayn sida Aargada Makka waxaane Aargada Makka ku qoran qoraal sheegaayo inaan halkaan uusan gelin karin qofaan Muslim ahayn balse isaga uu iska indha tiray waana uu galay magaaladda Barakaysan ee Makka waxa uuna gaaray ilaa Buurta Carafo waqtigii Xajka,arrintaan waxa eey keentay in dalka Sacuudiga soo food saarto ceeb aad u weyn oo dhinaca amniga ah gaar ahaan dhulka Barakaysan. Saxafiga reer Israel Gil Tamary ee galay Makka ayaa waxa uu Channel-13 ka sii daayey filim gaaban kuna saabsan safarkiisii Makka waxaane ka soo muuqday wejigiisa isagoo qoslaayo kuna faraxsan hawsha uu qabtay. Arrintaan uu sameeyey Gil ayaa waxa eey dhallin kartaa in dalka Sacuudiga inuusan wax xiriir ah la yeelan Israel.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.