RW-NETENYAHO OO SI BA’AN LOO WEERARAY.
(SAWIRKA)-URURKA LAANQEERTA CAS EE CAALAMKA.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in tiro maxaabiis reer Isra’iil ah oo laga sii daayey Marinka Gaza,sida lagu sheegay heshiis maxaabiis isdhaafsi ah una dhexeeyey Xarakada Xamaas iyo ciidamadda isra’iil ayaa waxa ey la kulmeen xubno ka mida Golaha Wasiiradda Dagaalka ee Isra’il ee uu hogaaminaayo RW-Benyamiin Netenyaho Talaadada maanta ah(5/12/23)-ka,waxa ey ku baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo lahaystayaaasha kale ee reer Isra’iil,sida ey Xaqiijisay Xarakada Xamaas ee reer Falastiin kuna sugan Marinka Gaza,ciidamadda Isra’iil ayaa duqeymo ku burburiyey goobo ama guryo lagu haayo dadka ey Xamaas Maxaabiis ahaan ugu haysato Marinka Gaza iyaga oo tixgelinaayo iney ka baqayaan in Isra’iil disho ee ma aha Xamaas waxa iyaga dili lahaay. Inta uu socday kulanka ayey warbaahinta Isra’iil waxa ey faahfaahin ka bixisay waxyaabaha sababay iney cirka isku sii shareertay xaaladda carro iyo mid xiisad ee u dhexeyso dadka la sii daayey ka dib markii ey qafaasheen kooxda Xamaas ee Marinka Gaza iyo qoysaska dadka weli lagu haysto Marinka Gaza. Eheladda dadka ku jiro gacanta Xamaas ayaa weeraray RW-Netenyaho oo sheegay in hadafka Isra’iil uu yahay baabi’inta ururka Xamaas ey tahay mid Kaftan ah halka ey ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen in 138-qofood ey weli haystaan Xarakadda Xamaas gudaha Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.