SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-NETANYAHU OO LOOGA YEERAY BAARLAMAANKA.

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(QUDUS)-Qoysaska la haystayaasha gacanta ugu jira Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza ayaa ku Oriyey Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu maanta oo Isniin ah xilli uu ka hadlaayey baarlamaanka Isra’iil,Netanyahu ayaa wacad ku maray inu maxaabiista ey hayso Xarakadda Xamaas uu guryahooda dib ugu soo celin doono balse Netanyahu ayaa sheegay in loo baahan yahay Waqti dheeraad ah. “Hadda…Hadda Qoysasku waxa ey ka qeylinayaan goobta bandhiga markii RW-Netanyahu uu sheegay in ciidamadda difaac isra’iil ey u baahan yihiin iney kordhiyaan cadaadiska mileteri ey ku hayaan taliyeyaasha Xarakada Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza.” “Ma awoodi karno inaan idiin xaqiijino sii deynta la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas balse cadaadis ayaan saari doonaa” sidaas waxaa yiri RW-Neyanyahu. Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa sheegay inuu la hadlay taliyeyaash ciidamadda Isra’iil kuwaaso u sheegay iney u baahan yihiin Waqti dheeraad ah si ey u soo afjaraan hawlgalka ka socdo Marinka Gaza,RW-Netanyahu ayaa yiri isagoo la hadlaayey Oohinta dibad baxayaasha”Ma joogsan doono dagaalka Gaza ilaa laga gaaro Guusha”,Isra’iil ayaa sheegtay in dadka la haysto ey tiradooda dhan tahay 129-qofood kuwaaso galay gacanta Xamaas markii la soo weeraray Isra’iil 7/10/23-ka. In baarlamaanka looga yeero RW-Netanyahu ayaa yimid ka dib markii Xisbiga Likud uu sheegay inuu booqday Marinka Gaza Isniinta maanta ah waxa uuna Xisbiga Likud wacad ku maray in la kordhin doono weerarada ey ciidamadda Isra’iil ku hayaan dhulka Falastiin gaar ahaan Marinka Gaza.

ISHA/AFP.