SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-MAXAMED JALAALI OO SHEEGAY IN LA BADBAADIYO…

(SAWIRKA)-RW-MAXAMED GAAZI AL-JALAALI.

(DIMISHIQ)-Xaalka dalka Suriya ayaa hadda u muuqdo mid faraha ka sii baxaayo una jiheystay dagaal dad fara badan ey ku hoobtaan bacdamaa Xoogaga dalkaasi isku hayaa ey wada yihiin kuwa kala aragti duwan. Reysal Wasaaraha dalka Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali oo cod soo duubay ayaa waxa uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga,waxa uuna cinwaan uga dhigay”Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Hogaan kasta oo ey doortaan dadku”. RW-Maxamed AL-Jalaali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la kaashado hogaan kasta oo lagu wareejinaayo Awooda dalka iyadoo kooxaha hubeysan ey ku dhawaaqeen bilawga gelitaanka caasimadda Dimisihiq. RW-AL-Jalaali,waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook waxa uuna yiri”Dalkaan waxa uu noqon karaa dal caadi ah,Wadan Xiriir wanaagsan la yeesha jaarkiisa iyo caalamkaba,balse arrintani waxay ku xiran tahay hogaan kasta oo ey shacabka Suriya doortaan, waxaan diyaar u nahay inaan kaashano si aan u helno dhammaan tasiilaadka suuragalka ah. Reysal Wasaaraha Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali ayaa intaas ku daray “Dhammaan hayadaha dawladda Suriya waa in la ilaaliya,anigu ma jecli wax xil ah ama faa’iido ah”. Reysal Wasaare AL-Jalaali ayaa intaas raaciyey”Hogaan kasta oo ey doortaan Suuriyiinta,waanu la shaqeyn doonaa”. Hadalkaan ayaa u muuqda in Xukuumaddii Suriya ee uu Hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad iney meesha ka baxday ka dib markii uu ku socday dagaal muddo ka badan 13-sano oo xiriir ah. Madaxweyne Bashaar AL-Asad ayaan weli la hayn hadalkiisa balse waxa ey u eg tahay inuu gaaray magaaladda Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq bacdamaa halkaasi ey ka jirto Xukuumad gacan saar fiican la leh dalka Iraan oo ah dalkii Bashaar AL-Asad soo garab taagnaay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ah waqtigii uu dhacay kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.