RW-FATXI OO XILKII LAGA QAADAY.
MAABKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Tan iyo sannadkii 2011-kii markii xilka laga tuuray Col.Qadaafi dalka Libiya waxaa ka taagnaay ismari waa siyaasadeed oo aad u xoogan una dhexeeyo siyaasiyiin reer Libiya ah eyna gadaal ka taagan yihiin dalal shisheeye,waxaane sidaas meesha uga baxday mideynta siyaasadda dalka Libiya taaso ugu dambayntii dhashay in dalka Libiya yeesho labo baaramaan uu midba goonidiisa xukuumad u soo dhiso,hadaba mid ka mida kooxaha isku haayo talada dalka Libiya ayaa maanta oo Talaada ah baarlamankiisu u codeeyey iney xilka ka qaadaan Reysal Wasaarahooda loona diro baaritaan,sidaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka. Fatxi Bashagha ayaa ahaay Reysal Wasaaraha dalka Libiya eyna soo magacaabeen baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga dalka Libiya loona yaqaano Aqalka Wakiiladda kuna hawlgala gudaha magaaladda Tobruk,mana kala cad sababta RW-Fatxi xilka looga qaaday looguna diray baaritaan,Aqalka Wakiiladda ee fadhiya bariga dalka Libiya ayaa Wasiirka Maaliyadda Cusaama Xamaada u magacaabay inuu noqdo Reysal Wasaare siina wado shaqadii uu haayey Fatxi,sidaas waxaa sheegay afhayeenka Aqalka Wakiiladda Cabdalla Belxaaq.
ISHA WARKA AP.