SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-ALKADHIMI OO KA HADLAY….

TAAGEERAYASHA MUQTADA AL-SADRE.

(BAQDAAD)-Reysal Wasaaraha dalkaasi Ciraaq Mustafa Al-kadhimi ayaa waxa uu maanta oo Sabti ah ka digay dhibaatada siyaasaadeed ee ka jirta dalka Ciraaq waxa uuna ku tilmaamay ineey tahay mid handadaad ku hayso guul ka gaaridda nabadda soo jiitamaysay sannadihii la soo dhaafay.RW-Al-kadhimi digniin cad uu soo saaray ku tilmaamay khataraha ka imaan karo dhibaatooyinka siyaasadeed ee sii xumaanaayo tan iyo marka laga soo bilaabo sannadkii 2003-dii waqtigaaso dalka Ciraaq eey ku soo duuleen isbahaysi uu hogaaminaayey dalka Maraykanka. Dhibaatada hadda ka taagan dalkasi Ciraaq ayaa ah mid eey isku hayaan laba hogaamiye kana wada tirsan Shiicadda dalkaasi Ciraaq kalana ah Muqtada Al-sadri iyo Reysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Ciraaq oo hadda gadaal eey ka taagan tahay dawladda Iraan lana yiraahdo Nuur Al-Maaliki.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.