SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HANTI DHAWRAHA SOOMAALIYA OO QAADAY..

Marka laga hadlaayo arrimaha dalka soomaaliya waxaa isla markiiba caqligaada ku soo dhacaayo waxyaabo fara badan uu ugu horeeyo musuq-maasuqa oo ah aafadda haysato dawladnimadda soomaaliyeed wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe sannadkii 1991-ka,waxa uu dalka soo yeeshay dawladdo kala duwan oo qaar yihiin ku meel gaar(KMG) kuwa kalane yihiin Federaal,sannadadii ugu dambeeyey waxaa taladda dalka soomaaliya isaga kala dambeeyey dawladdo Federaal ah eeyna kala hogaaminaayeen Prof.Xasan sheekh Maxamuud iyo Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadda ah madaxweynaha uu xilka ka sii dhammaanaayo waxaane jirto eedeymo adag oo mar walba loo soo jeediyo ciddii xukunka qabata eedeymahaas ayaa waxaa loogu hadal hayn badan yahay wax isdaba marin iyo musuq-maasuq,hadaba dawladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka soomaaliyeed u balan qaaday ineey la dagaalami doonto musuqa dalka Aafeeyey dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo waxaa xukunkiisa ka hartay wax ka yar sagaashan berri(Seddex bil) waa maxay hawsha hadda uu qabanaayo hanti dhawraha qaranka ee lagu soo celinaayo hanti eey leedahay dawladda soomaaliyeed taasoo eey isticmaalayaan masuuliyiin xilal haayo iyo kuwa xilal horay u soo qabtay hadane aan wax xil ah ka hayn dawladda? Waa yaab,qoraal ka hadlaayo arrintaas ayaan ka soo xigtay bogga Caasimadda online.

HALKAAN KA AKHRISO