SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MASAR OO HAGAAJINAYSA XIRIIRKA SOOM…

Dawladda Masar ayaa waxa eey danaynaysaa ineey dib u habayso xiriirka eey la leedahay dalka Soomaaliya waqti eey jiraan dhibaatooyin u dhexeeyo dalalka Masar iyo Itoobiya kuna saabsan biyo xireenka eey Itoobiya ka dhiseeyso biyaha wabiga Niil iyo dalka Turkiga oo ey sii kordhayso raadka uu ku leeyahay dalalka qaaradda afrika sida soomaaliya. Waxaa dalka soomaaliya booqday wafdi heer sare ah kana socday dalka Masar uuna hogaaminaayey kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar ee afrika Shariif Ciisa,waxa uuna wafdiga reer Masar la kulmay wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya Maxamed C/risaaq waxa eeyna kala hadleen wasiirka xiriirka labada dal hagaajintiisa,xaaladda amni ee wadamadda soomaliya la deriska ah iyo guud ahaan nabada wadamadda geeska afrika.XIGASHO AL-MONITOR.

HALKAAN KA AKHRISO