QUBUURO DAD KU AASAN YIHIIN OO LAGA….
QUBUURO LAGA HELAY DALKA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Dalka liibiya ayaa ka mida wadamadda uu ka dhacay kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta waxaane xukunka looga tuuray MW-Qadaafi kaaso dalka Liibiya xukumaayey muddo aad u dheer,kacdoonkaas ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan qaar kalane waaba la waayey raq iyo ruux halkeey qabteen,xukuumadda Liibiya ee hadda jirta ayaa dhistay hayad daba gasha dadka la la’ayahay halka eey ku dambeeyen waxa eeyna dawladda Liibiya shalay oo Arbaca ahayd sheegtay in la soo helay qubuuro lagu aasay dad gaaraayo 15-qofood laba goobood oo kala gedisan kuna wada yaalo magaala xeebeedka Sirta. Qoraal eey soo saartay hayadda dalka Liibiya u qaabilsan Baaritaan iyo cadaynta dadka la la’ayahay ayey ku sheegtay in la soo helay laba qabri oo ku yaalo dhul uu iska leeyahay Isbitaalka Inu Sina ee magaaladda Sirta.
ISHA WARKA AA.