QOYS FALASTIIN U DHASHAY UU KA SOO HARAY AABIHII QOYSKA.
Sida eey sheegtay safaaradda Falastiin ee dalka Boqortooyada Sacuudiga sideed falastiiniyiin ah oo intooda badan yihiin Dumar iyo Caruur ayaa ku geeriyooday dab ka kacay dhismo eey deganaayeen oo ku yaalo magaaladda Jiddah galbeedka Boqortooyada sacuudiga,dadka ku dhintay dabkaas ayaa ah hooyo Baduur Axmed iyo caruurteeda kala ah Nagam,Taaliin,Basnat,Kanaan,Hataan,Naadir Cayuush,Riisa C/xakiimi iyo geberrteed Gaada Islaam Daxlaan.
Tirada Falastiiniyiinta ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu shr=eegay ineey u dhexeeyso 400—500-kun falastiini,waxaane magaaladda Jiddah ee uu ka dhacay dhibkaan kaligeed ku nool Falastiiniyiin tiradooda lagu qiyasay inta u dhexeeyso 270—300-kun Falastiini. XIGASHO ARABICPOST.