SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QORSHAHA TONY BLAIR MA HIRGELI DOONAA.

(SAWIRKA)TONY BLAIR.

(LONDON)-Kanaalka 12-aad ee dalka Isra’iil ayaa sheegay maanta oo Axada ah(31/12/23)-ka in Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair uu madax u noqon doono koox ka shaqeyneysa sidii dalalka Yurub looga dhaadhicin lahaay iney qaabilaan Qaxootiga laga soo daabulaayo Marinka Gaza. Kanaalka Isra’iil ayaa sheegay in Tony Blair uu yimid caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv todobaadkii hore waxa uuna la kulmay RW-Netanyahu iyo Wasiirka Golaha Dagaalka Benny Gantz waxa uuna la yeeshay kulamo aan si rasmi ah loo shaaci kuwa ey yihiin. Sida laga soo xigtay Kanaalka Isra’iil ujeedka booqashada Balair ee Isra’iil ayaa ah miduu si dhab ah ugu adeegi doono rabitaan Isra’iil maraka uu soo dhammaado dagaalka Marinka Gaza,sida ka dhex shaqeynta wadamadda Carabta dhexdooda iyo sii kala fogaynta wadamadda hadda u mideysan in Isra’iil gaystay xasuuq kuwaaso laga cabsi qabo iney diidaan qorshaha Blair iyo in la helo dalal reer Yurub ah oo aqbala Qaxootiga Marinka Gaza dagaalka ka dib.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.