SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QOORQOOR OO GAARAY QALAANQALLE.

(SAWIRKA)- GOGOL LA DHIGAY QALAANQALLE.

(QALAANQALLE)-Madxweynaha Dawladda Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye(QOORQOOR) ayaa gaaray degaan ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaaso maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 55-Qof una dhexeeyey laba beelood oo walaala ah. Madaxweyne QoorQoor oo halkaasi ka furay Gogol Nabadeed ayaa la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee dagaalamay, QoorQoor ayaana kala hadlay sidey Muhiim u tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo Nabad waarta oo dhexmarta labada dhinac ee daglaamay. Bilawgii Gogosha ayaa la isla qaatay Qodobadda kala ah: (1)-In Xabad joojin la isla qaatay lana dhaqangeliyo iyo sidoo kale in lala shaqeeyo Ciidamadda Amaanka. (2)-In la kala qaado Maleeshiyaadka is horfadhiya. (3)-In dhinacyadu u soo diyaar garoobaan Gogol Nabadeed oo la dhigay magaaladda Caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.

ISHA/SNTV.