SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII BAARIIS.

(SAWIRKA)-MADAX SIYAASADDA XAMAAS HANIYAH.

(PARIS)-Maalin ka hor waxa aan idinla wadaagnay war ku saabsan in Madax Sirdoon oo ka kala socotay dalal kala duwan ey ku kulmeen dhammaadkii todobaadkii tegay magaaladda caasimada u ah dalka Faransiiska ee Paris,shirkaas ayaa ujeedkiisu ahaay sidii loo joojin lahaay xabada ka dheceyso Marinka Gaza Muddo seddex bilood ka badan,hadaba Wakaaladda Wararka Reuters ayaa maanta oo Talaada ah(30/1/24)-ka sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Xamaas balse la qariyey magaciisa uu sheegay in Xabad joojinta looga hadlay magaaladda Paris ey ka kooban tahay ilaa seddex marxaladood. Hogaamiyaha Xarakada Xamaas ayaa Reuters u sheegay in Marxaladda koobaad ey ka mid yihiin in la sii daayo dadka Rayidka ah sida Haweenka,Caruurta,Waayeelka iyo dadka Xanuunsan,halka Marxaladda labaad ey ka mid yihiin in la sii daayo dhammaan Raga iyo Dumar dhibawga ahaay,Marxaladda seddexaad ayaa ah in Meydadka Xamaas hayso lagu wareejiyo dadkooda. Hogaamiyaha Xamaas ee u hadlay Reuters ayaa ku macneeyey in dhammaan hawlgalada ciidanka ee labada dhinac ey joogsan doonaan waqtiga ey socdaan Maraxaladahaan,waxa uuna tilmaamy inaan la cayimin tirada Maxaabiista ah ee reer Falastiin ee loo baahan yahay in la sii daayo. Horaantii maanta oo Talaada ah,Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqiisu helay nuskho ka mid ah soo jeedintii Axadii ka dhacday Paris ee la faafiyey taaso qeyb ka ahayd dadaaladda lagu doonaayo in lagu joojiyo dagaalka Marinka Gaza ee uu ku daatay dhiiga fara badan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.