SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QAXOOTI KU LE’EDAY DALKA YAMAN.

Dalka yaman waxa uu ka mid yahay wadamadda carbeed eey ku sugan yihiin qaxooti kala duwan haba ugu sii badnaadaane qaxootiga ka yimaado wadamadda deriska la ah dalka Yaman sida Soomaaliya,Eritereeya iyo Ethiopia. Qaxootigaan ayaa intooda badan u soo tahriiba dalka Yaman soona mara dalalka soomaaliya iyo Jabuuti soona mara dhinaca badda,waxa eeyna inta badan tahriibka dhinaca badda ah kala kulmaan dhimasho waa mare in doonta la degto lana waayo kuligood iyo in dadka wax tahriibiyaa eey si qasab ah uga daadiyaan doonta ayaga oo ka cabsanaayo in ciidamadda Yamanta qabtaan.Magaaloyinka laga soo dejiyo qaxootiga ka yimid afrika ayaa kala ah Biir Cali iyo Cadan waxaane halkaas kaalmo bani’aadanimo ugu fidiyo hayadda UNHCR oo dejiso hooy ka samaysan teendhooyin,balse qaxootigaas ka yimid afrika ujeedkooda ma aha ineey ku sii sugnaadaan dalka Yaman oo waxa eey raadiyaan mukhalasiin tahriib ku geliya dalka Sacuudiga si eey halkaas uga helaan nolol ka gedisan tii eey ku haysteen dalalkooda,waxaane mararka qaar dhacda in lagu qabto xuduudka u dhexeeyo Yaman iyo Sacuudiga dabadeedna loo tarxiilo dalkooda ka dib markii in muddo ah lagu haayo xabsi loogu talagalay dadka la tarxiilaayo. Hadda oo Yaman uu ka jiro dagaal u dhexeeyo Xuutiyiinta oo garab ka helaayo dalka iiraan iyo dawladda la aqoonsan yahay oo garab ka heleyso xulafadda uu hogaamiyo Sacuudiga ayeysan suuragal ahayn in wax walba sidii hore noqdaan waxaane horey u jirtay in cid walba oo tahriib ku timaado dalka Yaman in la siin jiray warqad aqoonsi ah kuna mari kartay halkeey doonto laakinse taasi hadda ma jirto oo dalka ayaaba kala xiran lana kala haystaa. Qaxootiga soo gaara caasimadda Sanca ayaa inta badan waxaa lagu xiraa halka loo yaqaano waaxda socdaalka(Jwaasaadka) si loogu celiyo dalalkooda amaba loogu helo dal kale oo qaxooti ahaan u qaabilaayo,nasiib darase waxaa asbuucaan horaantisii dhacday in dab qabsaday halkii lagu haayey qaxootiga ee magaaladda Sanca waxaane dabkaas ku dhintay 170-qofood waxaane ku dhaawacmay dad ka badan laba boqol qofood,qaxootiga eey ku dhacday musiibadaas ayaa u badnaay kuwa ka soo jeedo dalka Itoobiya waxa eeyna hayadda IOM caalamka ka dalbatay in lala soo gaaro kaalmo deg deg ah oo eey wax ugu qabato dadkaan dhibaataysan,qaar ka mida qaxootigaas kana badbaaday dabka iyo kuwa kale oo haysta aqoonsiga hayadda qaxoortiga UNHCR ayaa waxa eey ku banaanbexeen iridda hore ee xafiiska hayadda UNHCR ee magaalada Sanca waxa eeyna dalbadeen wax loo qabto mana la yaqaano waxa ka soo bixi doonomcodsiga qaxootiga.

HALKAAN KA DAAWO BANAANBAXA QAXOOTIGA.

Waxaa diyariyey/ Abkeey-Muqdisho.