QAS SIYAASADEED OO KA TAAGAN DALKA SUUDAAN.
(KHARTUUM):Dalka Suudaan waxaa weli ka taagan isafgaran waa u dhexeeyo siyaasiyiinta madaniga ah iyo masuuliyiinta ciidamadda,waxaane dhacday in safarka dibadda ah laga joojiyey kow iyo toban siyaasi oo ka mida siyaasiyiinta madaniga kana tirsan xukuumadda Suudaan,arrintaan ayaa ka dhalatay hadal uu yiri Raysal wasaaraha dalkaas Suudaan Xamduuk kaasoo ahaay in afgembigii dhicisoobay bishii tagtay ee Sebtembar-2021-ka eey ka dambeyeen saraakiil taabcsan kaligii taliyihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray.XIGASHO MEMO.