SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QAREEN LAGU DILAY CAASIMADDA SANCA-YEMAN.

(SAWIRAK)-QAREEN NABIIL AL-MUREYSI.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Qareen Nabiil AL-Mureysi lagu dilay rasaas uu soo riday qof hubaysan xilli uu ku soo laabnaayey gurigiisa oo ku yaalo wadada Khawlaan ee Koonfurta Caasimadda Sanca ee dalka Yeman. Ilo wareedyo ka ag dhawaa goobta ey wax ka dheceen ayaa sheegay in fal dembiyeedka uu ka dhacay meel u dhaw bar koontarool ey joogaan ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta oo ku dhegan Saldhiga Booliska ee AL-Macmari iyadoo aan la ogayn sababtii keentay falkaan dilka ah. Wararka ayaa sheegaayo in Eedeysanaha dilka gaystay uu ka soo jeedo Goblka AL-Beyda halka Qareenka la dilay Nabiil AL-Mureysi uu ka soo jeedo degaanka Mureysi ee dhaca waqooyiga degmada Qacdhaba ee Gobolka AL-Daalic. Websaaydyada Warbaahinta Amniga ee taabacsan Xuutiyiinta ee magaaladda caasimadda ah ee Sanca ayaan wax tafaasiil ah ka soo saarin dhacdadaan in kastoo ey ka soo wareegtay saacado badan waqtigii ey dhacday. Dhacdadaan ayaa imaaneyso maalmo ka dib markii nin aqoonyahan ah iyo walaalkiis lagu dilay afafka hore ee Maxkamadda Koonfurta caasimadda Sanca. Inta badan dilalka Qorsheysan ee ka dhaca dalka Yeman gaar ahaan caasimadda Sanca ayaa salka ku haayo Aano Qabiil,dawladduna eysan waxba ka qaban karin waayo shacabka reer Yeman ayaa ah kuwa wada hubeysa yar iyo Weynba.

ISHA/MO.