SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAXYO KA DHACAY AFGAANISTAAN.

DHAAWICII QARAXYADA.

(KABUL-AFGANISTAN)-Dalka Afganistaan oo ka mida wadamadda uu halakeeyey dagaalka hadana rajada ka leh inuu dib uga soo laabto dagaaladdii aafeeyey,dalka Afganistaan ayaa waxaa hadda gacanta ku haayo kooxda Talibaan oo dagaal adag la gashay xulafadii uu hogaaminaayey Maraykanka muddo dhan labaatan sano ah,hadda ayuu dalka Afgaanistaan wajahaa dagaalo ka fool xun kuwii hore oo hadda waxa eey is haayaan kooxihii eey isku safka ahaayeen sida kooxda Daacish, hadaba maanta oo Arbaca ah(25/5/22)-ka ayaa dalkaas Afgaanistaan waxaa ka dhacay qaraxyo waxa eeyna ka kala dheceen laba degmo oo dalkaas ah,mid ka mida qaraxyada ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Masaajid ku yaalo Kaabuul waqtigii salaada waxaane qaraxaas la dhigay halka uu istaago Imaamka,qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaarayo 9-qofood waxaane ku dhaawacmay 10-qofood oo kale. Qaraxa labaad ayaa ahaay mid ka dhacay magaaladda waqooyiga ku taalo ee Mazar-i-shariif,qaraxaan ayaa lagu qariyey gudaha basas yaryar oo seddex ah waxaane ku geeriyooday dad garaayo 9-qofood waxaane ku dhaawacmay 15-qofood oo kale sidaas waxaa sheegay afhayeenka booliska ee gobolka. Kooxda ISIS-K kana dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa sheegatay qaraxyadda Basaska lagu qariyey.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.