SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CADAN.

(CADAN):Hayadaha amaanka ee magaaladda Cadan ee koonfurta dalka yaman ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,waxa uuna qaraxa ka dhacay barkoontarool oo laga galo garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaaladda Cadan ee dalka Yaman.Garoonka ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Khoormaksar ee magaaladda Cadan.

Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimasho shan(5) qofood ah iyo dhaawac dhan shan iyo labaatan(25) qofood,dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mida caruur iyo dumar waxaane goobta uu ka dhacay qaraxa isku gadaamay ciidamadda amaanka ee magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yaman,dadkii ku dhawacmay qaraxa ayaa loo qaadaya isbitaaladda magaaladda Cadan.Sida eey sheegeen hayadaha amaanka ee magaaladda Cadan, qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur uu nuuciisu yahay “HILUX” Soomaaliduna u taqaano Xaajiyo Khamsiin,jugta qaraxa oo aad u cusleed ayaa sababtay in bubur soo gaaro dhismayaal iyo baabuur ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.