QARAMDA MIDOBE OO JOOJISAY SHAQADII EY KA..
(SAWIRKA)-SHAQAALE QARAMADA U SHAQEYNAAYEY OO YEMAN LAGU XIRAY.
(YEMEN)-Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ey si ku meel gaar ah u joojisay dhammaan howlihii ey ka waday Gobolka Sacda ee dalka Yemen ka dib markii ay dhawaan xireen shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Xuutiyiinta. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa faray Hay’adaha Qaramada Midoobay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada sababo la xiriira “Maqnaanshaha Xaaladaha Amniga ee lagama maarmaanka ah iyo dammaanad qaadyada”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Af hayeenka ka dib markii Xuuthiyiinta ay xireen “sideed shaqaale oo Qaramada Midoobay ah oo dheeri ah, oo ay ku jiraan lix ka shaqeeya Gobolka Sacda”."Tallaabadan aan caadiga ahayn ee ku meel gaarka ah ayaa lagu doonayaa in la isugu dheelitiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah joogitaanka iyo bixinta baahida loo qabo in la dammaanad qaado badbaadada iyo Amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo la hawlgalayaasheeda," ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo raaciyay "dammaanadaha noocan oo kale ah ayaa ugu dambeyntii loo baahan yahay si loo xaqiijiyo waxtarka iyo joogtaynta dadaalladayada."Qaramada Midoobay waxay ku boorisay Xuutiyiinta inay xaqiijiyaan sii deynta shaqaalaha la xiray, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in hakadku uu waqti siinayo "si loo diyaariyo sii deynta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sida sharci-darrada ah u xiran iyo in la hubiyo in shuruudaha lagama maarmaanka ah ey jiraan si loo bixiyo taageero bini'aadanimo oo muhiim ah." "Qaramada Midoobay waxay si buuxda uga go'an inay caawiso malaayiinta qof ee ku dhibaataysan Yemen," ayay raacisay. Yemen ayaa weli waxaa ka jirta mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo iyo kuwa dhaqaale ee ugu xun caalamka, waxaana dabkan sii hurinaya dagaal ku dhawaad 10 sano socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Xuutiyiinta. Dagaalka Yemen ayaa galaaftay nolosha in ka badan 150,000 oo qof, waxaana uu horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka, taasoo keentay tobanaan kun oo kale oo dhimasho ah.
ISHA-AA.