SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QADAR OO KU HANJABTAY INEY ISAGA BIXI DOONTO…..

(SAWIRKA)-WAFIYADA MARAYKANKA IYO MASAR.

(DOHA)-Dawaladda Qadar oo ah dhexdhexaadiye muhiim u ah wada hadaladda Gaza ee Isra’iil iyo Xamaas ayaa isaga bixi doonto haddii Isra’iil iyo Xamaas ey si buuxda u go’aansadaan iney wiiqaan dadaaladda Xabad-joojinta,ilo wareedyo ayaa sidaas u sheegay AFP, taaso calaamad u ah dib u dhaca ugu weyn ee isku dayga runta ah tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza sannad ka hor. “Qadar waxay ku wargelisay labada dhinac ee Isra’iil iyo Xamaas in ilaa iyo inta ey jirto diidmo ah in laga wada xaajoodo heshiis si daacad ah,eysan Qadar sii wedi karin dhexdhexaadinta”,ilo ayaa sheegaayo in shuruud aan la magacaabin,wada hadaladda socday muddo bila ah ayaa waxaa ku lug lahaay dalalka Maraykanka,Masar iyo Qadar si loo soo afjaro dagaalka Gaza. Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa marar badan diiday Hindiso Xabad-joojin ah oo Xamaas ey aqbashay isagoo diiday talada ey siiyeen Hayadihiisa Amaanka.

ISHA-MEE.

HALKAN KA SI AKHRI.