SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QADAR OO KU FAANTAY INEEY DHEXDHEXAADISAY SOOMAALIYA IYO KENYA.

Sida uu qoraya wargayska ALKHALEJONLINE ee ka soo baxa dalka Ingiriiska balse eey maalgeliso dawladda Qadar ayaa qoray in dawladda Qadar dhexdhexaadisay dalalka Soomaliya iyo Kenya sidaas darteedna eey Soomaaliya ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah(6/5/21) ineey soo celisay xiriirkii eey la lahayd dalka Kenya,wargayska ayaa is weydiiyey su’aalahaan kooban isagana jawaabay:

1- Goormee ayuu go’ay xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya?

-Bartamihii bishii Diseembar ee sannadkii hore 2020-ka.

2-Waa maxay sababta uu u go’ay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

-Waa jawaab la xiriirta xadgudubka siyaasadeed ee dawladda Kenya ee soo noqnoqday iyo faragelinta jiritaanka Soomaaliya eey ku hayso Kenya.

Waxa nasiib darro ah in wargayska uusan soo hadal qaadin sababta dawladda Qadar ku kaliftay ineey waqtigaan dhexdhexadiso labadaan dal anagoo og in dawladda uu hogaamiyo Farmaajo ee uu dhammaday waqti xileedkeedii ineeysan lahayn awood dastuuri ah oo eey ku maareeyso arrimaha qaarkood sida dacwadda badda eey si aada u danaynayso Qadar in xal laga gaaro si eey ugu fududaato danaheeada ku saabsan shirkada talyaaniga ah eey maalgeliso. XIGASHO ALKHALEEJONLINE.

RIIX HALKAAN.