QADAR IYO MASAR OO WADA HESHIIS.
(SAWIRKA)-ISRAEL.
WASHINGTON)-Agaasimaha Hayada Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka(CIA) Bill Burns ayaa la kulmi doono Madaxa sirdoonka Isra’iil ee Mossad,Madaxa Sirdoonka dalka Masar iyo Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-Thani maalmaha soo socdo gudaha Yurub si ey uga wada hadlaan dadaalada lagu doonaayo in lagu gaaro heshiis si loo sii daayo dadka lagu haysto Marinka Gaza,sidaas waxaa wargayska AXIOS ee dalka Mrayakanka u sheegay saraakiil Maraykan ah. Sarkaal sare oo reer Isra’iil ah ayaa sheegay in kulanku uu mihiim u yahay dadaalada lagu doonaayo in guul laga gaaro wada hadalada hesiis cusub oo ey hadda ku jiraan hakad muddo laba bilood ah si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ey haystaan Xamaas. Masuuliyiinta ayaa sheegay in Isra’iil ey rajanayso in kulanku uu ku dhiiri geliyo labada dawladood ee wax dhexdhexaadinaayo ee kala ah Masar iyo Qadar iney cadaadis dheeraad ah saaaraan Xamaas oo ey aad u guda galaan faahfaahinta heshiiska suurtagal ah si loo helo tanaasul. Saraakiisha Maraykanka ayaa qiray in heshiis la gaaro uu noqon karo wadada kaliyah ee horseedi karta in Gaza laga gaaro xabad joojin waarta. Kulanka la filaayo inuu ka dhaco Yurub waqti aan la sheegin ayaa waxaa ka qeybgeli doono Agaasimaha C.I.A-da Maraykanka Bill Burns,Agaasimaha Mossad ee Isra’iil David Barnea,Agaasimaha Sirdoonka dalka Masar Cabaas Kaamil iyo Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-Thani.
ISHA/AXIOS.