PROFESSOR LAGU JIRDILAY DALKA QADAR.
PROF.LUQMAN THALIB.
(DOHA)-Bare Jaamicadeed oo reer Australia ah oo lagu daray liiska argagixisada dalka Australia ayaa la iska hortaagay inuu dib ugu laabto gurigiisa si uu u arko qoyskiisa ka dib markii dawladda Qadar ey eedeysay una gaysatay jirdil,sidaas waxaa sheegay koox u dooda xuquuqda Aadanaha maanta oo Jimca ah. Marka loo fiiriyo hadal ka soo yeeray koox qareena ah oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Prof.Luqmaan Dhaalib uu u baxsaday dalka Turkiga ka dib markii ey sii cuslaatay xaaladiisa caafimaad taaso ey u sabab tahay in Prof.Luqmaan uu u xirnaay dawladda Qadar muddo dhan shan bilood isaga oo aan la horkeenin Maxkamad.
ISHA WARKA MEE.