PARIS: SHIR SHALAY KA DHACAY PARIS MUXUU SOO KODHIN KARAA?
(SAWIR)-KA. BILL BURNE,BARNEA IYO MAXAMED BIN C/RAXMAN ALTHANI.
(PARIS)-Kulan shalay oo Jimce ah Paris ku dhexmaay Agaasimaha CIA-da dalka Maraykanka Bill Burns, Agaasimaha Sirdoonka Isra’iil ee Mossad Barnea iyo Reysul Wasaaraha dawladda Qadar Maxamed Bin C/raxman Althani ayaa horumar ka sameeyey suurtagalnimada in dib looga wada xaajood la haystayaasha ku sugan Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee ku aadan heshiis suurtagal ah oo laga gaaro maxaabiista ey hayso Xamaas waxa ey horseedi kartaa Xabad joojin ku meel gaar ah oo ka hirgasha Marinka Gaza,laba todobaad ka hor ayey ahayd markii uu Qaahira iyo Dooxa ey ka kala dheceen kulano la isku mari waayey markii dambane lagu kala kacay. Madaxweynaha dalka Maraykanka Bidem,Agaasimaha CIA-da iyo la taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Jake Sullivaniyo iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dalaaladda lagu doonaayo in lagu sii daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas kuwaaso lagu soo qabtay weerarkii dhacay 7/10/2023-kii. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa u arka heshiiska la haystayaasha inuu yahay dariiqa kaliyah ee lagu gaari karo xabad joojin iyo soo afjaridda suurtagalnimada dagaalka dhibaato siyaasadeed ku noqday MW-Biden ka hor inta eysan dalka Maraykanka ka dhicin doorashada Madaxweyne kuna beegan NOV-2024-ka.
ISHA/AXIOS.