SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NIN ISKU HOR GUBAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-SAFAARADDA ISRA’IIL EE WASHINGTON DC.

(WASHINGTON)-DEG DEG: War hadda soo dhacay ayaa sheegaayo in nin aan la qaaonsan uu isku hor gubay Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC. Wargayska THE HILL kana mid Wargaysyada ugu caansan dalka Maraykanka oo ka hadlay arrintaan ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay “Nin ayaa ku sugan xaalad halis ah ka dib markii uu isku gubay banaanka Safaaradda Isra’iil ee magaaladda Washington ee dalka Maraykanka, Waaxda dab demiska ee degmada ayaa u xaqiijisay Wargayska The Hill inuu jiro nin isku hor gubay Safaaradda Isra’iil.” Deb demiska iyo baabuurta gargaarka ee EMS ayaa sheegay in cutubyo iyaga ka tirsan ey ka jawaabeen waxyar ka hor kowdii duhurnimo ee maanta oo Axad ah Qeyladhaan ka soo yeertay Sfaaradda Isra’iil taaso sheegaysay in Safaaradda horteeda uu yaalo nin dhaawac ah oo gubanaayo. Dhibanaha ayaa loo qaaday isbitaalka degaanka isaga oo qaba dhaawacyo halis kuwaaso naftiisa halis gelin kara,Wargayska The Hill oo la xiriiray Safaaradda Isra’iil ey horteeda wax ka dheceen ayuusan Wargayska ka helin wax jawaab ah kuna saabsan dhacdadaan.

ISHA/THE HILL.