SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-BIDEN OO AQLAK CAD KU SOO DHAWEYEY BOQOR CABDALAH.

(SAWIRKA)-MW-BIDEN IYO BOQOR CABDALLAH.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in “Qof kasta oo aan waxba galabsan ee ku dhinta Marinka Gaza iney tahay Musiibo”. MW-Biden ayaa Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka waxa uu ku soo dhaweeyey Boqorka Dalka Urdun Boqor Cabdallaha Labaad maanta oo Isniin ah si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaay dagaalka bilaha ah iyo Qorshaha wixii ka dambeeyo. Kulanka labada Masuul ayaa ku soo beegmaayo iyadoo MW-Biden iyo kaaliyeyaashiisa ey ka shaqeynayaan sidii ey mar kale u joojin lahaayeen dagaalka Isra’iil ee ka dhanka ah Xamaas si ey Gargaar Bani’adanimo iyo saad ugu soo diraan Marinka Gaza taas bedelkeedana loo sii daayo la haystayaasha Isra’iil. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa wajahaayo dhaleeeyn isa soo tareyso taaso uga imaaneyso Carabta Maraykanka ah kuna aadan taagerrada joogtada ah ee uu maamulka Biden siinaayo Isra’iil iyo khasaaraha sii kordhaayo ee Marinka Gaza tan iyo markii ey Xamaas weerar ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii. “waxyaabaha ugu muhiimsan Heshiiska Miisa ayey saaran yihiin”ayuu yiri MW-biden oo uu wehliyo Boqorka dalka Urdun Cabdallaha Labaad,in kasta oo ey jiraan daldaloolo harsan. MW-Biden ayaa sheegay in dalka Maraykanka uu sameyn doono wax kasta oo suuragal ah si loo gaaro Heshiis,joojinta dagaalka ugu yaraan lix todobaad iyo sii deynta inta hartay la haystayaasha reer Isra’iil ee weli ku jira gacanta Xamaas.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.