MW-AL-BASHIIR OO KA BAXSADAY XABSIGII.
GAARI DAGAAL OO LAGU GUBAY SUDAN.
(KHARTUM)-Wararka imaanayo dalka Sudan ayaa sheegaayo in Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir laga saaray xabsigii uu kaga xirnaay caasimadda Khartum mana la yaqaano halka lala aaday Madaxweyne Al-Bashiir, Video la soo dhigay baraha bulshada ayaa la arkaayey dad fara badan isaga baxaayo xabsiga caanka ah ee KUBAR waane xabsi ey ku xirnaayeen aad u fara badan kuwaaso galay dembiyo kala gedisan. Dalka Sudan ayaa u muuqdo mid u jihaystay inuu lugta la sii gelaayo dagaal sokeeye ey gadaal ka taagan yihiin dalal shisheeye sida dalka Qadar iyo Imaaratka Carabta kuwaaso xulafo la kala ah wadamadda Masar iyo Turkiga oo ku tartamaayo sidii ey gacanta ugu dhigi lahaayeen khayradka dalka Sudan,diblomasiyiin reer Qadar ah oo ku safraayey wadada isku xirta Khartum iyo dekada Port-Sudan ayaa la weeraray mana la yaqaano inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray.
ISHA WARKA ARAB.