MUSLIMIINTA LONDON OO LAGA XIRAAYO…
DUGSIGA LA XIRAYAAYO.
(LONDON)-Dugsi Madax banaan lehne sumcad iyo magac “LONDON MIDDLE EASTERN”iyo qurbajoogta Waqooyiga Afrika ayaa wajahaayo xiritaan bisha Sebtembar-2023-ka, dugsigaan ayaa furnaay muddo dhan 38-sano sababta loo xiraayo ayaa ah ka dib markii dalka Sacuudiga uu kala laabtay kaalmadii uu siinaayey dugsigaan. Dugsigaan ayaa lagu baranaayey Luqada Carbiga iyo Tarbiyada islaamka waxaane dhinac socday manhajka dalka Ingiriiska waxaane dugsigaan loo yaqiin”AKADEEMIYADDA BOQOR FAHAD”,dugsiga ayaa ku yiilay Galbeedka magaaladda London kana hawlgelaayey,waxa uuna waxbarasho siinaayey arday reer London ah oo isugu jiro Carab iyo Muslimiin marka laga soo bilaabo sannadkii 1985-tii.
ISHA WARKA MEE.