SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADA ICJ OO DHEGAYSAN DOONTO DACWADA LIDKA KU AH ISRAEL.

(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICJ.

(LONDON)-Waa dharbaaxyo lagu garaacay Xukuumadda uu Hogaamiyo Reysal Wasaare Netanyahu,boqolaal Isra’iiliyiin ah ayaa ka dhawaajiyey iney taageerayaan dacwadda ka socoto Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda)ICJ) dacwadaaso ey soo gudbisay dawladda Koonfur Afrika waxa eyna dalka Isra’iil ku eedeysay inuu xasuuq ba’an ka gaystay Marinka Gaza. In ka badan lix boqol oo qofood ayaa saxiixay codsi ey ku dalbanayaan in Maxkamada caalamiga ah ee Cadlaadada(ICJ) iney go’aan ka gaarto dacwadda dalka Koonfur Afrika taaso ka dhan ah dalka Isra’iil,dadka ayaa ku baaqay in Maxkamdu gaarto go’aan deg deg ah si loo soo afjaro dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Duulaanka Isr’iil ee Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 23-kun qofood oo reer Falastiin ah kuwaaso u badan Caruur iyo Haween sida ey sheegeen saraakiisha caafimaadka ee reer Falastiin,dagaalka ayaa Marinka Gaza waxa uu ka dhigay degaan aan la degi karin waxaane dagaalka ka hor halkaasi ku noolaay dad garaayo ilaa 2.2-Milyan oo qofood. Dalka Koonfur Afrika waxa ey Isra’iil ku eedeysay iney jebisay ilaalinta waajibkii ka saarnaay heshiiskii xasuuqii dhacay sannadkii 1948-dii,heshiiskii la sameeyey ee ka dambeeyey Holocaust ee Yurub kaaso dembi ka dhigaayey in la isku dayo in la burburiyo dadka qeyb ahaan amaba gebi ahaanba. Dhegaysiga dacwadda lidka ku ah Isra’iil ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo Hague dhammadka todobaadkan kuna beegan 11/1/24 iyo 12/1/24-ka,dalka Koonfur Afrika oo ah dalka gudbiyey dacwada ayaa doonaayo in si deg deg ah loo hakiyo ololaha dagaalka Mileteri ey Isra’iil ka wado Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.