MAXKAMADA CIIDAMADDA LIBNAAN OO…
CIIDAMADDA NABAD ILAALINTA EE QM.
(BEIRUT)-Maxkamada ciidamadda ee dalka Libnaan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey dacwad ku soo oogtay 7-qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka dambeeyeen dilkii loo gaystay nin u dhashay dalka Irish kana tirsanaay ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Libnaan. Bisha Disembar-14-22-ka ayaa Private Sean Rooney la dilay waxaane la dhaawacay seddex kale ka dib markii rasaas la huwiyey gaari ciidamada ey saarnaayeen oo maraayey nawaaxiga Al-Aqbiya halkaaso ey ku badan yihiin taageerayaasha ururka Xizbullaahi.
ISHA WARKA AA.