MAXAMED ALQAXTAANI OO LA LA’A YAHAY.
Dr.Maxamed Al-Qaxtaani.
(SACUUDIGA)-Tan iyo markii uu noqday dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan waxaa dalkaasi lagu xiray dad fara badan isuguna jiro culuma’udiin iyo aqoonyahano kala gedisan dadkaan dhammaantooda ma la horkeenin wax maxkamada si ey u helaan cadaalad,hadaba masuuliyiinta Sacuudiga oo si xoog ah u qariyey nin caan ku ah u dhaqdhaqaaqidda xuquuqul insaanka Maxamed Al-Qaxtaan ayey dawladda Sacuudiga xirtay sannadkii 2013-kii sabab la’aan sida laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqul insaanka. Hayadda caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesy International ayaa sheegtay shalay oo Jimca ahayd in Maxamed Al-Qaxtaan oo u xiranaay dawladda Sacuudiga ehelkiisa loo diiday ineey la xiriiraan marka laga soo bilaabo 24/10/22-ka mana yaqaanaan waxa hadda Maxamed uu ku sugan yahay xaalkiisa,balse ehelka Maxamed ayaa u malaynaayo sababta loo la’ayahay Maxamed warkiisa ineey tahay mid la xiriirta dacwad uu Maxamed ka gudbiyey maxbuus kale oo ey isku meel ku xiran yihiin kaaso ku xadgudbay Maxamed horaantii bishaan.
ISHA WARKA MEE.