SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAAN KA NAQAAN XABAD JOOJINTA XAMAAS IYO ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(PARIS)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu rajaynaayo in Heshiis xabad joojin ku meel gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza lana sii daayo la haystayaasha marka la gaaro Isniinta soo socoto iyadoo wada xaajoodka Isra’iil iyo Xamaas ey isku dayi doonaan iney soo saaraan qodobo heshiis qabya ah. Qaabka lagu joojinaayo dagaalka ayaa lagu dejiyey magaaladda Paris iyadoo kulamo lala yeeshay ergo ka kala socotay dalalka Masar,Qadar iyo Maraykanka,waxaane hadda la soo bandhigay in Xamaas goobjoog ka tahay. Waxaa la saadaalinaya in in afartan maalmood la joojin doono dagaalka waane inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan taaso bilaaban doonto 10-ka bisha Maarso-2024-ka. Waxaa la sii deyn doonaa la haystayaal reer Isra’iil ah kuwaaso lagu bedelanayo Maxaabiis reer Falastiin ah iyo sahayda gargaarka ee la gaynaayo Marinka Gaza,waxaa kaloo ayadana Marinka Gaza la gaarsiin doonaa qalab dhismo iyo shidaal. Haweenka,Caruurta iyo dadka da’ada ah ee reer Falastiin ayaa loo ogolaanayaa iney dib ugu laabtaan Waqooyiga Marinka Gaza.

ISHA/THE GUARDIAN.

HALKAN KA AKHRI.