SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAWAADIN INGIRIIS AH OO XAASKIISU UGU GEERIYOTAY…

DIYAARADO LAGU DAABULAAYO DADKA AJAANIBTA AH EE KU SUGAN KHARTUM.

(KHARTUM)-Waa sheeko aad u xanuun badan lagana soo werinaayo gudaha dalka Sudan uu muddo kuwa dhaw laba bilood uu ka socday dagaal ey kala hogaaminayaan laba Jineraal oo kala ah C/fataax Burhani oo ah taliyaha ciidamadda dalka Sudan iyo Maxamed Xumayteyt oo isna hogaaminaayo xoogaga Gargaarka deg dega ah. Hadaba Mawaadin Ingiriis ah asalkiisu yahay Sudaan lana yiraahdo Cabdallah Shalqaani oo 85-jir ah ayaa waxaa toogtay koox isaqarisay(Snipers) gudaha dalka Sudaan,Cabdalla ayaa ah maalqabeen ah Hotel-ne ku leh magaaladda London ee dalka Ingiriiska,waxaane Cabdalla u dhaxday haweeney magaceeda lagu sheegay Caqiidah Calawiyah Rashwaan oo 80-jir ah,xaaska Cabdalla ayaa u geeriyootay Gaajo ka dib markii ey isaga soo baxday magaaladda Khartum uu ka socday dagaal ba’an,sidaas waxaa sheegay qoyska ey ka dhalatay Caqiidah,waxaane jirtay in kooxaha dagaalamayo uu midba kan kale ku tuhmayey in isaga jebiyey xabad joojinta ey gar wadeenka ahaayeen Sacuudiga iyo Maraykanka.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.