MASUUL REER CIRAAQ AH OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.
(SAWIRKA)-RW-SUDANI IYO FAKHRI KARIIM.
(BAQDAD)-Nin caan ka ah dalka Ciraaq isla marakaasne ah siyaasi wax ka qora arrimaha caalamka Fakhri Kariim ayaa waxa uu ka badbaaday isku day dil fiidnimadii Khamiista ee ina soo dhaaftay, Fakhri Kariim ayaa waxaa la huwiyey kow iyo toban xabadood gaari uu ku socday gudaha caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Fakhri Kariim ayaa markii la xabadeynaayey ku sii socday gurigiisa oo ku yaalo Xaafadda AL-Qaadisiyah ka dib markii uu ka soo qeybgalay Bandhig Bugaagta Caalamiga ah oo lagu qabtay caasimadda Baqdaad,Bandhigaan buugaagta ayaa waxaa maalgelisay Iskaashatada “AL-Ma’ada ee dhaqanka iyo Farshaxanka”, Iskaashatadaan ayaa waxaa Aasaasay Fakhri Kariim horaantii sannadkii sagaashanadkii ee Qarnigii tegay. Fakhri kariim ka hor inta uusan tegin bandhiga bugaagta waxa uu ka qeybgalay siminaar wada hadal ah oo loo qabtay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ciraaq Xaydar AL-Cabaadi oo ka caanaayey wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad,saacad ka dib markii uu soo dhammaaday hadalkii AL-Caadi ayaa waxaa la weeraray Kariim si loo khaarijiyo,weerarkaaso si mucjisa ah uga badbaaday Karim.
ISHA/AL-SHARQ AWSAT.