SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MASAR OO YEMAN U TARXIISHAY CAADIL…

(SAWIRKA)-CAADIL AL-SHUJAAC.

(QAHIRA)-Xaaska Siyaasi isla markaasne ah qoraa caan ka ah dalka Yeman si aad ahne u dhaliila xukuumadda Yeman ee waqtigaan jirta Caadil AL-Shujaac ayaa waxaa la xiray todobaadkii hore gudaha magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar, Xukuumadda Masar ayaa horay u sheegtay in Siyaasiga reer Yeman eysan u tarxiili doono dalka Yeman waayo haddii loo tarxiilo dalka Yeman waxa uu mudan doonaa Xarig iyo in lagu xukumo dil toogasha ah. Wejiga hore ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaaladda Qahira ayaa waxaa warbaahinta kula hadashay Xaaska Siyaasig caanka ah ee reer Yeman Caadil AL-Shujaac hooyada la yiraahdo Raxma,Hooyo Raxma ayaa sheegtay in odaygeeda Caadil yahay Siyaasi ka tirsan Xisbiga Kulanka Guud ee Shacabka(GPC) waane Xisbigii uu ka tirsanaay Madaxweynihii hore ee dalka Yeman ee la dilay AUN-Cali Cabdalla Saalax,waxa eyna Hooyo Raxma sheegtay iney codsi racfaan u ditrsatay ciidamadda dalka Masar iyo Xukuumaddaba si loo joojiyo Tarxiilka odaygeeda Caadil loo Tarxiilaayo dalka Yeman. Hooyo Raxma Video ey soo duubtay lana baahiyey maanta oo Talaada ah(26/9/23)-ka ayey Hooyo Raxma ku sheegtay”In xukuumadda Masar ey ku wargelisay in odaygeeda Caadil loo Tarxiili doono dalka Isbayn laakinse ayey tiri Hooyo Raxma waxa aan ka naxnay markii aan ogaanay in Odaygeyga Caadil laga dhoofiyey Garoonka Qahira loona Tarxiilay dalka Yeman gaar ahaan magaaladda Cadan”.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.