SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MASAR OO XABSIGA DHIGTAY AYA KAMAL..

AYA.

(QAAHIRA)-Xukuumadda Masar ayaa dib waxa eey xabsiga u dhigtay Aya Kamal el-Din oo reer Alexandaria ah,Aya ayaa ah gabar u dhaqdhaqaaqda xaquuqda dadka waxaane laga xiray gurigeeda maalintii Axada ahayd waxa eeyna Aya ka soo muuqatay xabsiga Qaahiro maalin ka dib,sidaas waxaa laga soo xigtay oo sheegay garyaqaano reer Masar ah. Xukuumadda Masar ayaa gabartaan halgamaaga ah xirtay markii seddexaad waxa eeyna ugu yeertay ineey weydiiso su’aalo loogu magac daray”WADA HADALADII WADANKA”oo ah bilawga siyasadda. Aya Kamal el-Din ayaa waxaa la xiray sannadkii 2013-kii waxa eeyna ka mid ahayd koox gabdha ah loona yaqiin”TODOBADII GABDHOOD EE SUBAXA”waxaane lagu xukumay todobo sano oo xariga ah balse waa la baabi’iyey xabsigaas markii dambe,sababta gabdhaha loo xiray ayaa lagu sheegay ineey ka qeyb qaateen banaanbax lagu taageeraayo madaxweynihii ee dalkaasi Masar AUN-Maxamed Al-Morsi.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.