MASAR OO SHEEGTAY INEY SII DEYN DOONTO..
CALAA CABDULFATAAX.
(QAHIRO)-Dawladda Masar ayaa ku dhawaaqday waqti damnbe maanta oo khamiis ah ineey sii deyn doonto 30-qofood oo u xirnaay siyaasad,dadkaan ayaa la wada xiray ka dib markii ey dawladda Masar qaaday olole aad culus oo lagu soo xirxiraayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi,dadka xiray qaarkood ayaa ahaay kuwa u dooda xuququl insaanka. Xiritaanka lagula kacay dadka kala gedisan ey sameeysay xukuumadda Masar ayaa sababay in dawladaha caalamka kuwooda ugu awooda roon ineey soo farageliyaan arrintaan ka socoto dalka Masar waxa eyna taasi sababtay in xukuumadda Masar qaado talaabadaan ey ku sii deyneyso dadkaan u xirnaay siyaasada mana jirto cid xabsiga ka soo baxday oo lagu arkay banaanka ilaa waqtigaan aan qoraayo warbixintaan.
ISHA WARKA AP.