MASAR OO KU SOO BIIRTAY MAXKAMDAYNTA ISRA’IIL.
(SAWIR)-KA. MAXKAMADDA ICJ.
(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sheegay inuu biiri doono dacwada Xasuuqa ah oo ey Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caalmaiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee ka dhanka ah Isra’iil taaso ku aadan weerarkii dhimashada badnaa ey Isra’iil ka gaysatay Marinka Gaza. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in talaabadani ey imaaneyso “iyadoo la eegaayo darnaanta sii kordhaysa iyo baaxadda weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza iyo beegsiga joogtada ah ee dadka rayidka ah iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha”. “Falalkani waxa ey ka kooban yihiin Xadgudubyo bareer ah kuwaaso ka dhan ah sharciyadda caalamiga ah,sharciga bani’adanimadda iyo Axdiga afaraad ee Geneve ee ku taariikheysan 1949-kii kaaso ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah waqtiga dagaalka” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar. Dalka Masar ayaa ugu baaqay Isra’iil oo ah awooda haysata dhulka dagaalku ka socdo iney u hogaansanto waajibaadkeeda eyna fuliso tilaabooyinka ku meel gaarka ah ey codsatay Maxkamadda ICJ si loo xaqiijiyo bixinta gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza.
ISHA/AA.